in

Sheeko-nololeeddii Dhegdheer, ama Xaynwada

Waagii ay inanta ahayd, Dhegdheer way qurux badnaan jirtay. Gof samir leh oo waalidkeed u dheganugul bay ahayd, baa la yiri. Dhallinyarada ay isku filyihiin way jeclaan jireen sheekada iyo haasaaweheeda, wiilal iyo gabdhaba. Gabdhuhu way ku dayan jireen Xaynwada wanaaggeeda, wiilashuna way u bogi jireen lasheekaysigeeda.

Habeenkii, markii xoolo soo hoydaan, dhallinyaradu waxay ku caweyn jireen sheekooyinka yaabka leh ee Xaynwada u sheegi jirtay. Barbaarta mar kasta ku shirsan hareeraheeda oo madaxnimo u agoonsaday awgeed, baa magaca “Xaynwada” loogu bixiyey. Waxaa jira sheekooyin kale oo Dhegdheer ku magacaabaya “Dhudi” iyo magacyo kale.

Xaynwada oo Qurux Badan

Waxaa la yiri, Xaynwada waxay ka dhalatay goys sabool ah oo reer-miyi ah. Iyaduna ilmaha keli ah ee waalidkeed bay ahayd. Gabar qurux badan bay noqotay markii ay kortay, rag badan baana weydiistey aabaheed in ay guursadaan gabadhiisa. Aabaheed wuxuu Xaynwada ku daray nin xoolo yarad ah oo badan ka bixiyey.

Ninkeeda Gardheere

Ninkaas wuxuu ahaa nin camal xun oo ay dhibahayasi looga naciyo. Wuxuu la baxay Gar Dheer, sidaas baa “Gardheere” loogu bixiyey. Xaynwada ma ay rabin in loo guuriyo ninkaas, markii se uu bixiyey xoolo badan oo aabaheed ka saaray cayrnimadii, way oggolaatay in ay noqoto afadii Gardheere.

Markii ay guriga gashay, Xaynwada waxay isku dayday in ay ninkeeda u noqoto naag wanaagsan, si ay ku hesho kalsoonidiisa.

Carruurta Xaynwada

Muddo ka dib, Xaynwada gabar bay dhashay, mid kalena way ku xijisey. Ilmaha saddexaadna gabar bay noqotay. Ninkii kuma farxin arrintaas, maxaa yeelay, sida ragga reer-miyiga u caado ah, wuxuu jeclaa in wiil u dhasho, kaas oo la wareegi lahaa maamulka reerka markii odaygu gaboobo ama geeriyoodo. Rajadaas odaygu way burburtay markii naagtiisu wiil u dhali weyday.

What do you think?

Awrka Cir

Xaynwada oo Dadqalatowdey (dhagdheer)