Sheekada Awrka Cir waxaa kala dhaxlay facyo badan oo Soomaaliyeed, waxayna tusaysaa fiiro-dheerida dadweynihii curiyey sheekooyinka noocaas ah. Habeennada mugdiga ah, dhinaca koofureed ee cirka, marka la joogo dalalka xilliyadoodu kulul yihiin, waxaa la arki karaa malluug u eg muugaal neef geel ah oo xiddigo xayn ahi jaangooyeen ama ku teedsan yihiin. Malluuggaasi wuxuu ku agyaal kooxaha xiddigaha loo yaqaan “Wadaamogoysyo” (The Southern Cross).
Soomaalidii hore sheeko-xariiro yaab leh bay ka curiyeen “awrkaas cirka”, waxayna isku dayeen inay gabsadaan oo adeegsadaan! Waa yaabe, sidee bay ku haweysteen in ay cirka tafaan oo ratigaas ku gaaraan?
Waxaa la yiri, dadkii waxay tafeen buur dheer oo la yiraahdo Buur Cir, iyaga oo inta gofba qof kor u gaaday, sidii oo kale dadkii horeba isu taageen. Sidaas bay dadkii ku dhisteen sallaan cirka gaarsiiya.
Goortii ninkii dadka ugu sarreeyey ratigii dabada ku soo dhegay, buu ogaaday in uu dhulkii ku soo illaaway xariggii uu ratiga ku soo hoggaamin lahaa. Ka dib, wuxuu u gayliyey ninkii uu garka ku taagnaa oo ku yiri:
“War hoggaankii ii soo dhiiba, ku dheh dadka hoos jooga!”
Markaas baa ninkii dadka ugu hooseeyey damcay inuu xariggii dhulka ka soo gaado oo u dhiibo dadkii ka sarreeyey isaga. Goortii ninkii hoose foorarsaday oo is yiri xariggii soo qadd, bay dadkii kore oo dhammi wada soo daateen!
Ninkii ugu korreeyey baa ratiga dabadiisii u soo ruqday, suu yiri:
“Hoheey! Dhul iima dhowa,
Dheefna ma helin!”
Sidaas bay werisey sheeko-xariiradan Soomaaliyeed, oo muujinaysa hawoweynida qofka oo himiladiisu tahay in uu ka jibakeeno ama ka adkaado abuurta ku wareegsan. Maantana, waxaynu aragnaa gofkii oo u sahan-tegey xiddigaha iyo waxa ka shishay.