Ka dib, abaar xun baa ka dhacday dalka oo roob ma da’in sanado badan. Xoolihii way xaalufeen, kuwii Gardheerena ku jiraan; saabi iyo baad midna ma helin. Sidaas awgeed, dad badan baa gaajo iyo macaluul u le’day, kuwii sabato baxayna dalkii bay ka hayaameen oo dhul dheer bay nolol u raadsadeen.
Isbeddelka ku Dhacay Xaynwada
Isbeddel yaab leh baa ku dhacay Xaynwada. Waxay ka niyadjabtay in ay cunto xalaal ah hesho. Dharaarta oo dhan waxay iska warwareegi jirtay kaymaha cidlada ah, fiidkiina reerka bay ku soo noqon jirtay. Ninkeeda, Gardheere, ma garan waayey waxa ku dhacay naagtiisa, waana la yaabay caadada ay la timid.
Galabtii dambe markii ay ku soo noqotay gurigii, buu weydiiyey:
“Naa, maxaa kugu dhacay? Reerka inooma dhaqna beryahan dambe. Maxaad duurka u wareegeysaa keligaaga oo ka samaynaysaa?”
Xaynwada kama ay jawaabin weydiintiisii, waxayna ogaatey in uu ka shakigabey dhaqankeeda cusub.
Gardheere oo La Diley
Habeenkaas, goor saqdii dhexe ah, Xaynwada waxay soo qaatay mindi dheer oo af badan, waxayna Gardheere oo hurda dhegta dhiigga u dartay! Hilibkiisii, qaar ayay habeenkaas cuntey, qaarna way karsatay oo reerka ugu dhiibtay sidii cunto caadi ah.
Xaynwada oo Dadgalatowday
Markii halkaas la gaaray, Xaynwada waxay noqotay dad-galatadii caanka ahayd. Waxay caado ka dhigatay in ay dadka disho oo hilibkooda cunto, iyada oo u muuqata qof reerka u dadaalaysa, balse dhab ahaantii naf-doon iyo baahideeda uun ku shaqaysanaysa.