Waxaa la yiri waagii hore, cirka iyo dhulku way isku dhowaayeen oo qofka dhulka taagani cirka farta ayuu ku soo taban karey. Dabaylaha, dhaxanta, iyo kulaylka cadceedda buu cirku dadka iyo duunyada ka dugsiin jiray.
Maalintii dambe baa laba naagood, inta kal iyo mooye soo qaateen, badar iska tunteen, si ay raggooda cunno u siiyaan. Markii ay kasha kor u qaadaanba, caaradda badarka sare baa cirka muddey oo meelo badan ka daldaloolisey. Kolkii uu xanuunsaday buu cirkii naagihii ku yiri:
“Naa, tibta iga daaya oo hay daldaloolinnina, sow ma ogidin inaan idinka celiyo dabaylaha, dhaxanta iyo kulaylka gorraxda?”
Catowga cirka haweenkii dan iyo daarad uma gelin, ee badarkoodii bay iska tunteen.
Cirkii waa carooday, inta uu adkaysan waayey nabarradii naaguhu ku dhufteen, markaas buu kor u duubmay oo meesha uu haatan joogo tegey. Waxaa dadku xiddigaha ku sheegaan waa daldaloolkii badnaa ee naagihii cirka ka daldalooliyeen. Qorraxda iftiinkeeda baa ka soo dusa daldoolladaas, oo sidaas baa xiddiguhuna ku samaysmeen oo u bilig-biligleeyaan, ugu muugdaan dadka dhulka jooga. Sidaas baa cirka loogu bixiyey magaca Daldaloole.
Sidoo kale, waxa dadku daruuraha u yaqaan waa gabar qurux badan. Gabadhaasi baaldi biyo ka buuxaan oo ay ceel ka soo dhaansatay bay gurigoodii u waddaa. Markii ay gabadhu yara socotaba, biyuhu baaldiga bay ka qubtaan, say waa buux-dhafisaye. Biyahaas qubtay waxay ka soo daataan meelihii labadii naagood cirka ka daldalooliyeen markii ay badarka tumayeen ee cirku dhulka u dhowaa. Waxa dadka dhulka joogaa roobka u yaqaan waa biyahaas gabadhu qubtay oo cirka ka soo dusey.
Markii war biyuhu – “Daldaloow, biyaha gabadha celi!” – ka qubtaan baa cirka bay u gaylisaa oo ku tiraahdaa:
“Daldaloole, na celi biyaha!”
Daldaloole na wuxuu ugu jawaabaa:
“Maxaan celiyaa,
Uunka hoosaa
War biyoy lehe!”
Haddii ayan naagihii kasgaabka ahaa kashooda ku daldoolin cirka waagaas, oo meel roobku soo maro u yeelin, dadka iyo duunyada dhulka ku nool biyo ma heleen haatan. Haddaan biyo jirinna nololi ma jirteen.
Lur iyo ladnaanba way leeyihiin dumarku, baa la yiri.